4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2025
Caruur Maqalka la’aa oo dib loogu soo celiyay maqalkoodi oo soo dhoweyn loogu sameeyay magaalada Muqdisho
 

Axad, April 20, 2025 (HOL) - Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho kusoo Dhaweeyay 15 Carruur Soomaaliyeed oo ku dhashey maqal la'aan ku waasoo dib loogu habeeyey maqalkooda ka dib qaliimo guuleystey oo lagu sameeyey.

Carruurtan, oo da’doodu u dhaxeyso 3 ilaa 6 sano jir, ayaa qaliin Caafimaad loogu sameeyey dalka dibadiisa, taasoo kutimid ka dib dadaal dheer ah oo ay bixisey Wasaaradda Caafimaadka oo garabsaneysa Hey'adda King Salmaan oo kaalin mug leh ka qaadatey qabsoomidda howshan heerka Qaran ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden ayaa arrintan ku tilmaamey natiijo horudhac u ah tallaabooyin kale oo fursado Caafimaad lagu siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka Caafimaadka, Wasiirka ayaana u mahadceliyey Hey'adda King Salmaan door muhiim ah ka qaadatey howshan.

Waxa uu sidoo kale Wasiirka sheegay in canug waliba oo qaliinkaan lagu sameeyay ay ku baxday Kharash dhan $25,000 waxaana uu ku tilmaamay fursad muhiim u ah waalidiinta Soomaaliyeed ee ilmahoodi dhagoolnimada la nool inay isbitaalada geeyaan si loogu diinwaageliyo hadii fursadahaan oo kale yimaadan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhowaanahaanba ku howlaneed xal u helidda baahiyaha bulshada gaar ahaan kuwa aadka u nugul sida Caruurta Haweenka iyo waayeelka si loo xaqiijiyo yoolka guud ee Wasaaradda kaasoo ah Caafimaad dhameystiran oo laga heli karo goobkasta iyo goorkasta dalka.