Axad, April 20, 2025 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay si buuxda u go'doomiyeen dagaalamayaasha kooxda Daacish ee laga saaray Togga Miiraale, halkaas oo uu dagaal culus ka socday muddo laba maalmood ah.
War kooban oo kasoo baxay howlgalka "Hillaac" ayaa lagu sheegay in saakay ciidamada la-dagaalanka argagixisada Puntland ay hawlgallo ka wadaan inta u dhaxaysa Miiraale iyo Moqor. Sida lagu sheegay warka, haraadiga dagaalamayaasha Daacish ayaa u baxsaday dhanka togga Moqor.
Afhayeenka howlgalka Hillaac, General Maxamuud Axmed Faadhigo, ayaa sheegay in ciidamada amniga ay la wareegeen ceelashii iyo ilihii saadka iyo cuntada ee kooxda Daacish ay ka heli jireen Togga Miiraale. Waxa uu intaa ku daray in howlgalka socda lagu dilay xubno ka tirsan kooxda, islamarkaana ay ka go’an tahay indagaalamayaasha iyo horjoogayaasha Daacish loogu gali doono meel kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuuntaan.
Shalay ayay ahayd markii ciidamada amniga Puntland ay fashiliyeen weerarro ismiidaamin ah oo ay kooxda Daacish kusoo qaadday fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada gudaha u galay Togga Miiraale.
Sida uu sheegay Afhayeenku, toban ismiidaamiye ayaa isku dayay inay weeraraan mid kamid ah furimaha hore ee ciidamada, balse siddeed kamid ah waxaa toogtay ciidamada, halka labada kalena ay isku qarxiyeen ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda.