4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2025
Madaxweyne Cirro: Waxaan xaqiijinayaa in aan gorgortan laga geli karin wadajirka dhuleed ee Somaliland
 

Axad, April 20, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo khudbad sannadeedkii dastuuriga ahayd u jeediyay Golaha Baarlamaanka, ayaa sheegay in ay xoojinayaan cududda ciidan, dhaqaalaha, iyo saameynta diblomaasiyadeed ee Somaliland.

Madaxweyne Cirro oo ka hadlay aqoonsiga ay dhawaan Dowladda Soomaaliya siisay maamulka SSC-Khaatumo, ayaa sheegay in Somaliland aysan gorgortan ka geli doonin midnimadeeda dhuleed, maadaama gobolka Sool ay u aragto inuu ka mid yahay dhulkeeda.

"Waxaan xaqiijinayaa waajibnimada ilaalinta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyo in aan gorgortan laga geli karin midnimada iyo israacsanaanta dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland, hidaha iyo dhaqankeeda ummadeed," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale cambaareeyay socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu ku tagay magaalada Laascaanood, isaga oo ku tilmaamay xadgudub cad, isla markaana sheegay in taas ay kaga jawaabeen joojinta wadahadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

"Xukuumaddaydu waxay beesha caalamka u caddaysay in socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu yahay dagaal cad oo Soomaaliya ku soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay horumarinayso awoodeeda difaaca iyo nabadgalyada gudaha, iyadoo la tirakoobay ciidamada kala duwan, lana qarameeyay ciidamadii madaniga ahaa iyo hubkoodii, kuwaas oo marka ay tababarkooda dhamaystaan noqon doona cudud ciidan oo soo korodhay. Waxa kale oo uu sheegay in la dhisayo ciidan kayd ah waxa kale oo uu xusay in ciidamada lagu soo kordhiyay qalab iyo aqoon casri ah.

Waxa kale oo uu sheegay in isbeddel lagu sameeyay waaxda caddaaladda si bulshadu u hesho sinnaan iyo caddaalad, dhanka kale waxa uu sheegay in dhaqaaluhu 19% kor u kacay intii uu xilka hayay. Waxa uu inta ku daray in ay maalgalin caalami ah u raadinayaan raadinayaan khayraadka Somaliland, si loo helo koboc dhaqaale oo dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay diiradda saartay xoojinta xidhiidhada saaxiibtinimo ee kala dhexeeya beesha caalamka, taasoo uu ku tilmaamay mid horseedi karta aqoonsi caalami ah iyo maalgashi shisheeye. Waxa uu sheegay in Imaaraadka Carabtu oggolaaday in uu maalgashado waxsoosaarka beeraha, kalluumeysiga, xoolaha, iyo in uu horumariyo wadooyinka iyo waxbarashada.

"Waxaan la yeelannay galaangal diblomaasiyadeed waddamo naga caawin kara qadiyaddeena, waxa ka mid ah Mareykanka, oo aan la leenahay xidhiidho aan ku xoojinayno danihiisa Somaliland, iyo Ingiriiska oo aan ka helnay kaalmo dhinaca amniga ah iyo iskaashi dhinacyo badan leh," ayuu yidhi Cirro.

Madaxweyne Cirro waxa uu inta ku daray in ay xoogga saareen sidii loo heli lahaa Somaliland la wada leeyahay, taas oo bulshada lagu wada dareensiinayo hoggaanka oo ay ka wada qaybgalaan. Waxa uu xusay in ay kulamo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada si talo midaysan loo helo, islamarkaana ay ka go’an tahay horumarinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhawaan safarro ku tegi doono dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, oo uu ku tilmaamay saaxiibo iyo jaar soo jireen ah oo Somaliland leedahay.