Hiiraan Online
4/25/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2025
Maxey ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare hore Shirdoon ?
Axad, April 20, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Cabdi Faarax Shirdoon.
War qoraal ah oo laga soo saaray Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira latashiyada qaran ee uu la qaadanayo waxgaradka, masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed inuu Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ra’iisul Wasaare hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya, waxayna isla qaateen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya shacabka Soomaaliyeed.
Mas'uuliyiintaan ayaa isla gartay in la xoojiyo lana garab istaago dadaalada ay Dowladda federaalka ay ugu jirto in Kooxaha Argagexisada laga xoreeyo Soomaaliya korna loo qaado tayada ciidanka Qaranka.
Maalmo ka hor markii uu dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho Cabdi Faarax Shirdoon waxa uu ku eedeeyay Dowladda federaalka inay ka gaabisay bixinta adeegyada aas aasiga ay dadweynaha ay u baahan yihiin sida Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Munaasabad uu Muqdisho uga dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne 2026 ayuu Cabdi Faarax waxa uu tilmaamay in Al shabaab ay kaabiga kusoo hayaan magaalada Madaxda Muqdisho waxaana uu xusay inay soo gaareen degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo sanada ka hor laga saaray.