Axad, April 20, 2025 (HOL) - Hoggaamiyaha ciidanka difaaca deegaanka ee Macawiisleeyda Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan ayaa soo jeediyay in caruurta ay dhaleen maleeshiyaadka Al-shabaab iyo haweenkooda loo masaafuriyo deegaanada kooxdu joogaan.
Cali jeyte ayaa tilmaamay ineysan suurtagal aheyn in Al-shabaab xaasaskooda iyo caruurtooda si nabad galyo ah ku dhex joogaan magaalooyinka dowladda ka taliso.
"Anigu waxaan soo jeedin lahaa in Al-shabaab laga daba raro caruurtooda naagahooda oo la geeyo meelaha ay joogaan, iskuulo ayay dhigtaan caruurtooda magaalooyinka jooga, malihi hala dilo caruurta laakiin waxaan leeyahay haloo geeyo meelaha ay joogaan si ag culeyska u dareemeen" ayuu yiri hoggaamiye Cali Jeyte.
Wuxuu sidoo kale sheegay hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda Soomaaliya in kooxda Al-shabaab ay ka daran yihiin gumeystahii dalka soo maray, marka loo eego sida ay ula dhaqmayaan dadka Soomaaliyeed.
"Khawarijta waa kuwa aan laheyn wax mab da ah oo way kasii xun yihiin gumeysigii dalkaan soo maray oo kuwaas ayaaba dhaamay oo laha qawanin dalka iyo dadka ku maamulaan, kuwan waa kuwa baneystay xata dhiiga bani'aadamka oo ilaahey raali ka aheyn 500 oo qof intey dilaan ayay leeyihiin Alle ayaan ugu dhawaneynay oo Allahii abuuray ayay ka been sheegayaan" ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.
Ugu dambeyntii Cali Jeyte Cismaan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney u midoodaan dagaalka ka dhan ah Al-shabaab ee la doonayo in dalka looga xureeyo.