4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2025
Dabley degaanka Bursaalax ee gobolka Mudug ku dilay maamulihii shirkadda isgaarsiinta Golis iyo ganacsade kale
 

Axad, April 20, 2025 (HOL) - Koox dabley ah ayaa degaanka Bursaalax, oo qiyaastii 52km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, caawa fiidkii ku dilay maamulihii shirkadda isgaarsiinta Golis ee deegaankaas, Burhaan Maxamed Cali Xaashi, iyo nin kale oo ganacsade ah.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka labadan ruux, balse xogaha hordhaca ah ee aan helnay waxay muujinayaan in dilkooda uu salka ku hayo aano qabiil oo horey uga dhex jirtay beelo deegaanka wada dega.

Kooxda dilka geysatay ayaa si degdeg ah uga baxsatay goobta. Ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee gobolka Mudug.

Deegaanka Bursaalax ayaa horey u la daalaa dhacayay falal noocan oo kale ah. Sanadkii 2023, waxaa isla deegaankaan lagu dilay Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi, oo ahaa guddoomiyihii hore ee deegaanka, iyo ganacsade Mukhtaar Maxamed Aw Khalaf.

Dilalkan cusub ayaa abuuray walaac laga qabo inay dib usoo noqdaan  xiisado colaadeed, islamarkaasna ay burburaan dadaallo nabadeed oo lagu guulaystay in xal looga gaaro dilalkii horey u dhacay.