Axad, April 20, 2025 (HOL) - Sarkaal ka tirsan Qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland, ayaa xalay lagu dilay magaalada Laascaanood.
Faarax Caydiid Jaamac (Bariiis), oo ahaa khabiir amni oo Itoobiya u joogay magaalada Garoowe, ayaa maydkiisa laga helay dooxada Goojacadde ee magaalada Laascaanood.
Wararka ayaa sheegaya in xalay lagala baxay guri uu ka deganaa magaalada Laascaanood, iyadoo dilkiisa loo adeegsaday rasaas isla markaana jidh-dil loo geystay ka hor inta aan la dilin, kadibna lagu tuuray dooxada Goojacadde.
Weli maamulka SSC Khaatumo, Puntland, iyo Qunsuliyadda uu ka tirsanaa midkoodna kama hadlin dilka sarkaalkan oo Qunsuliyadda u qaabilsanaa caawinta dadka Itoobiyaanka ah ee socdaalka ah.
Magaalada Laascaanood ayaa xilligii ay Somaliland joogtay caan ku ahayd dilalka masuuliyiinta, iyada oo masuuliyiin ka tirsanaa xukuumadda Somaliland oo badan lagu khaarajiyey magaalada. Dadka dilkaas loo geystay ayaa intooda badan aan la aqoonsan cidda dishay.
Dilalka masuuliyiinta Somaliland, oo badankoodu kasoo jeeday gobolka Sool, ayaa sababay kacdoon dadweyne oo ugu dambayn Somaliland lagaga saaray magaalada, iyada oo la aasaasay maamulka cusub ee SSC Khaatumo.
Dadka deegaanka ayaa dilalkaasi ku eedayn jiray xukuumadda Somaliland, inkastoo dadka la dilay badankoodu ay ahaayeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda. Dhanka kale, Somaliland ayaa dilalka ku eedayn jirtay kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay iska hor keenaan Somaliland iyo shacabka Laascaanood.