4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2025
Guddiga Doorashooyinka oo muddo dheeri ah ugu daray diiwaangelinta ururada Siyaasadda dalka
 

Isniin, April 21, 2025 (HOL) - Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha ayaa sheegay inay kor dhiyeen muddada diiwaangelinta ururada Siyaasadda Dalka kadib markii ay heleen codsiyo uga yimaada dhinaca ururada sida ay hadalka u dhigeen.

Guddiga ayaa ku wargeliyay Ururrada Siyaasadda iyo dhammaan daneeyeyaasha kale ee arrimaha Doorashooyinka inuu ku kordhiyey muddada diwaangelinta ururrada siyaasadda muddo sagaal (9) maalin ah.

Waxa uu Guddiga xusay in muddada 9 ka maalmood ah ay ka bilaaban doonto maalinta Talaadada oo taarikhdu tahay 22/04/2025 kuna eg 30/4/2025, waana markii 2aad uu Guddiga uu waqti kale oo dheeri ah ku kordhinayo diiwaangelinta Ururada Siyaasadda.

Waxa uu Guddiga Bayaan uu soo saaray ku sheegay in arintaan mudda kordhinta ay ugu wacan tahay iyagoo tixgeliyay xawliga ay ku socoto Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo codsiyada uga imaanaya Ururrada Siyaasadda ee ku jira hannaanka dhammaystirka shuruudaha iyo dukumentiyada.

Guddiga Doorashooyinka marka laga soo tago arrimaha diiwaangelinta haddana waxa uu si dardar leh u wadaa diiwaangelinta Dadweynaha ku nool Caasimadda kuwaasi oo qaadanaya kaarka codeeynta.