4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2025
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo daah furay Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka
 

Isniin, April 21, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah, waxaana uu sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududdada shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ra'iisul wasaare Xamse ayaa xusay in siyaasaddani ay beddeli doonto nidaamkii hore ee muddo dheer lagu maamulayey shaqaalaha dowladda, isla markaana ay horumarin doonto shaqo-gudashada, caddaaladda iyo kor-u-qaadista kartida Shaqaalaha Rayidka ah.

“Maanta waa maalin muhiim u ah Qaranka iyo Shaqaalaha Dowladda, daahfurka siyaasaddan Qaran waa mid kamid ah qorsheyaashii ugu muhiimsanaa ee la ansixiyay, taas oo ah guul, waxa aan rabnaa in golaha wasiirrada iyo shaqaalaha dowladda dhammaantood si isku mid ah loo dhaariyo, si ay daacad ugu addeeggaan dalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Waxa uu ku ammaanay Xukuumadiisa inay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, siyaasaddanina ay ahmiyad weyn u leedahay dhanka maamul-wanaagga iyo caddaaladda shaqo ee dalkeenna, taas oo qeyb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo dib loogu casriyeynayo hey’adaha dalka, laguna tayeynayo dowladnimada.

Siyaasadan cusub waxay ku saleysan tahay qiimayn buundo-tirsi oo gaaraysa 1,000 dhibcood, iyadoo lagu eegayo afarta tiir ee kala ah: aqoon iyo khibrad, masuuliyad, dadaal (maskax iyo jir), iyo duruufaha shaqada. Waxay dajinaysaa 8 heer darajo ah (A ilaa G), Nidaamkan wuxuu meesha ka saarayaa eexda, wuxuuna xaqiijinayaa mushaar la jaanqaadaya waxtarka qofka shaqaalaha ah.