Isniin, April 21, 2025 (HOL) - Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay inuu Madaxda dalka ugu sareeysa uu kala hadlay arrimo ay ugu muhiim san yihiin doorashooyinka iyo ammaanka guud ee dalka.
Shirdoon ayaa shaaca ka qaaday inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ay isla meel dhigeen sidii xilligaan adag Soomaaliya uga gudbi lahayd ayna ku imaan karto kaliya midnimo iyo wadatashi in lagu hago Siyaasadda guud ee dalka.
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Nagaad ahna Musharrax Madaxweyne, ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu uga mahadceliyay casuumaaddii ay u fidiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu kula kulmay aqalka Madaxtooyadda.
"Waxaan kala hadlay Madaxda dalka, In arrimaha cakiran ee amniga iyo siyaasadda loo furdaamiyo si wadatashi ku dhisan, In si gaar ah arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka lagu saleeyo wadar ogol iyo sidoo kale In ummadda Soomaaliyeed ay u midoobaan ciribtirka argagixisada dalka aafeysay, loona sameeyo dib-u-habeyn iyo dhiirrigelin ciidamada Qaranka" ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdi Faarax Shirdoon.
Hadal uu jeediyay Todobaadkii hore ayaa waxa uu Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Shirdoon uu ka digay inay Al shabaab ay kusoo dhowadaan magaalada Muqdisho waxaana uu xusay in Dowladda ay la timaado siyaasad amni oo kooxdaasi looga hortagayo.