4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2025
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay duuleedka degmada Bardaale
 

Isniin, April 21, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta galinkii hore ka dhacay duuleedka magaalada Bardaale ee gobolka Bakool, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan oo dadka deegaanka ah.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Bardaale ku leeyihiin duuleedka degmadaas.

Dagaalka oo ahaa mid labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lasoo wariyay iney ku dhinteen ilaa afar ruux oo labada dhinac ah, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Ciidamadaan deegaanka ee saakay weeraray kuwa amaanka degmada Bardaale ayaa horay looga saaray gudaha magaalada waxayna haatan doonayaan iney qabsadaan magaalada, iyagoo maalmihii lasoo dhaafay ka waday  duuleedka magaaladaas abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo culus oo ka dhan ah ciidanka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada Bardaale Daa'uud Maxamed Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka saakay dhacay uu ahaa mid u dhaxeeyay ciidamada amaanka Bardaale iyo maleeshiyaadka Al-shabaab, wuxuuna beeniyay ineysan jirin ciidan deegaanka ah oo la dagaalamay kuwa amaanka.

"Dagaalka waxuu ahaa mid u dhaxeeyay ciidanka amaanka iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo wadada u galay ciidanka oo ka yimid roondo, waxaana dagaalka jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawarijta, ma jirto ciidan deegaanka ah oo la dagaalamay kuwa amniga, horay way u jireen ciidamo deegaan ah oo diidana maamulka, balse kuwaas mar hore ayay kala tageen qaarna ciidanka amniga ayay ku biireen, qaarna xoolahooda ayay dib u raacdeen ee waa Al-shabaab cida nala dagaalantay saakay" ayuu yiri guddoomiye Daa'uud Maxamed Cabdiraxmaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa horay degmada Bardaale marar badan uga dhacay dagaal noocaan oo kale ah oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishata Koonfur Galbeed iyo kuwa deegaanka oo qaba tabasho salka ku haysa dhanka maamulka oo in muddo soo taagneyd, waxaana xiisaddan dagaal ay noqoneysa mid uga sii dareysa marxalad adag ee ka taagan Koonfur Galbeed oo ka dhalatay muranka doorashada iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.