4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2025
Wasiir Fiqi "lagama cabsi qabo in dalkaan ciyaal gaajeysan oo is qarxinaya qabsan karaan dalka"
 

Isniin, April 21, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda  Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaan iney wiiqeen awooda kooxda Al-shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in dagaalka dowladda Fedaraalka la gashay Al-shabaab uu suurtagaliyay in shacabka Soomaaliyeed ku dhiiradaan waxyaabo badan oo aysan horay ugu dhiiran jirin.

Wuxuu sidoo kale uu sheegay Wasiirka in wax lala yaabo tahay in xiligaan la joogo ay jiraan dad aaminsan in Al-shabaab qabsan maraan dalka.

"Waa wax suurtagal aheyn in ciyaal gaajeysan oo sidii bamkii isku qarxinaya in dad waaweyn ku fekaraan iney dalka qabsan karaan waa wax yaab leh, dalkaan waxuu leeyahay cadaw badan oo doonaya inaan qabiil qabiil isku dilno oo aan laga guuleysan Shabaab, ma ahan feker qof damiir leh ku fakiro oo uu yiraahdo Shabaab ayaa dalkaan qabsana" ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi

Wasiir Fiqi ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu taageerayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay xarunta Wasaaraddu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

"Maalin dhaweyd waad aragteen waxa Baydhabo ka dhacay markii la geeyay meydad Khawarij lagu soo dilay deegaano Hoostaga Baydhabo waxa dad isku soo baxay horay uma dhici jirin in dad intaas dhan isugu soo baxaan, heerka waxaa gaarsiiyay dadka dowladda Soomaaliya iney sidaas ugu dhiiradaan" ayuu yiri wasiir fiqi.

Ugu dambeyntii Wasiir Fiqi ayaa xusay inaan dalkaan looga cabsi qabin Khawaarijta Daacish iyo Al-shabaab, inta ay difaaca u taagan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka.