Isniin, April 21, 2025 (HOL) - Wasiirka amniga dowladda Federaalka Soomaaliya, Gen. Senator Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag, ayaa sheegay in uusan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid hab-dhaqanka kooxda Alshabaab ee ku wajahan shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka isagoo ka qeyb galayay barnaamij dood-wadaag ah oo ka baxayay Universal TV, ayuu sheegay in kooxda Alshabaab ay dhawaan gabbood-fallo fool xun ka geysteen degmada Aadan Yabaal, halkaas oo uu sheegay inay ku laayeen dad badan oo ay ku tuhmayeen inay la shaqeynayaan dowladda.
Wasiir Fartaag ayaa sidoo kale sheegay in ay kooxda Alshabaab shacabka ku nool degaanada ay haystaan u sheegeen warar aan waxba ka jirin oo ku saabsan inay ka dulqaadeen cunaqabatayntii ay ku hayeen.
“Markay leeyihiin dadka waxaan ka qaadnay cunaqabatayntii, waa beentood. Ciidankoodii oo dhan waxay isugu geeyeen Aadan Yabaal. Waxay doonayaan in ay halkaas ku guuleystaan ama ku jabaan,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.
Gen. Fartaag waxa uu sheegay in hay’adaha sirdoonka dowladda ay ogaadeen in ay Alshabaab ciidamadooda kasoo daabuleen gobollada Jubbooyinka iyo Bakool, si ay xoogga ugu saaraan haysashada degmada muhiimka ah ee Aadan Yabaal.
Wasiirka amniga ayaa sheegay in dowladda arrimo farsamo awgeed uga soo baxday degmada Aadan Yabaal, isagoo intaas ku daray in maalmaha soo socda ay dowladda duullaan culus ku qaadi doonto Aadan Yabaal. Wuxuu sheegay, Shabeellada Dhexe inay noqon doonto xabaalaha Alshabaab.