Hiiraan Online
4/25/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2025
Macawiisleeyda Hiiraan oo weerar culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Aadan yabaal
Talaado, April 22, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysnaa oo galinkii dambe ee Shalay ciidanka Macawiisleeyda ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay ciidanka Macawiisleeyda deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo beegsaday goobo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda deegaanka Mabaax ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka ay ku dileen xubno badan oo ka tirsan kooxda, hayeeshee maysan sheegin tirada rasmiga ah.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wali saakay ciidanka Macawiisleeydu ka wadaan tuulooyinka hoostaga Aadan yabaal howlgalo ay kusii baacsanayaan firxadka Al-shabaab.
Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan kooxda Al-shabaab dagaal culus oo khasaare badan geystay kula wareegtay degmada Aadan yabaal oo laba sano ka hor la warageen ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka.