4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2025
Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir "Xawaadle intuu barakici lahaa waxuu ka doorta in god galaan oo la aaso"
 

Talaado, April 22, 2025 (HOL) - Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ku matala beesha Xawaadle iyo siyaasiinta beesha ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan la xariiray dardargalinta dagaalka beesha kula jirto kooxda Al-shabaab.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ayaa kulanka ku lafa guray sidii markale dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab loo xoojin lahaa, maadama kooxdu ay dib ugu soo laabatay deegaano ka tirsan Hiiraan oo horay looga saaray laba sano ka hor.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo kulanka ka warbixiyay ayaa sheegay in Xildhinaanada beesha iyo siyaasiinta kulanka isla garteen in dib boorka looga jafo dagaalka, isagoona xusay in beesha ay uga duwan tahay Al-shabaab beelaha kale.

"Xawaadle intuu ka barakici lahaa waxa uu ka doorta in god galaan oo la aaso, ma ahan wax dhici kara inaan shabaab ka barakacno waa inaan dagaalka dhiig cusub ku shubna oo aan Khawaariijta u midowno, maadama aan nahay beesha kaliya ee khawarijta uu kala dhaxeeyo dagaalka saxda ah" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale ayaa dhankiisa sheegay in Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta beesha isla meel dhigeen in wax waliba laga hormariyo dagaalka Al-shabaab.

"Kulanka waxaa la iskula meel dhigay inaan balaarino oo kulame ka oo intaan ka badan la yeesho oo ka kala dhaca Xamar iyo Baledweyne, sidoo kalana dib loo dhigo balankii hore ee ahaa sadax bilood kadib in horumarka Hiiraan iyo tabashada beeshu qabtay wixii ka qabsoomay arintaas dib ayaan i dhigay sababo la xariira dagaalka cusub ee beesha markale khawarijta ku furtay, waana u maqanahay dadkeena, waana ku talana jirna arinka ay naga sugayeen, balse hada waa inaan dagaalka xooga saarna marka hore" ayuu yiri Xildhibaan Buraale.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxda Al-shabaab bishaan gudaheeda dib ula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo labadii todobaad ee lasoo dhaafay kuwada dagaalamayeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo Al-shabaab.