4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2025
Guddiga Xuquuqul insaanka oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Su'aalo ka weydiiyay Sharciga Barakacayaasha ee horyaala Baarlamaanka
 

Talaado, April 22, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Xoosh ayaa maanta hor tagay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya si ay waxa uga weydiiyaan Sharciga Barakacayaasha oo horyaala Baarlamaanka.

Xubnaha Guddiga ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda oo uu wasiirka ugu horeeyo weydiiyay su'aalo la xiriira qorshaha wasaaradda iyo Sharciga barakacyaasha oo yaala Golaha Shacabka islamarkaana, Akhrinta labaad sugaya.

Wasiir Cali Xoosh oo ay la socdeen Kuxigeenkiisa iyo Xubno ka tirsan Wasaaradda ayaa ka jawaabayay Su'aalaha Guddiga uga imaanayay waxaana ay shaaca ka qaadeen inay rajo wanaagsan ka qabaan in Sharcigaan uu wax badan ka tari doono xuquuqda dadka Barakaca ah.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo kulanka goobjoog ahaa ayaa sheegay in Sharciga Barakacyaasha oo horyaala Golaha Shacabka, uu marayo Akhhrinta labaad islamarkaana uu guddiga waajibaadkiisa ka gudanayo.

Xoghayaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimadda ee Golaha Shacabka ahna kusimaha guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cadar Cali Maxamed oo kulanka soo xirtay ayaa u mahadcelisay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay waxaana ay shaaca ka qaaday in fadhiyada soo socda sharciga laga sii doodi doono si marka ugu dambeeysa cod gacan taag ah loo galiyo.