4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2025
In ka badan 30 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Shil baabuur oo ka dhacay Hiiraan
 

Talaado, April 22, 2025 (HOL) - Wararka naga soo gaarayo deegaanka Cali Ganeey ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in barqanimadii maanta deegaankaas uu ka dhacay Shil baabuur oo sababay dhimashada laba ruux iyo dhaawaca in ka badan 30 ruux.

Labada ruux ee dhimatay ayaa la xaqiijiyay iney ahayeen laba wiil oo da'doodu lagu sheegay 15 sano, kuwaas oo uu dulmaray gaariga shilka galay oo noociisu Soomaalidu u taqaano Biijii, waxaana ku dhawaacmay 32 askari oo gaariga saarna.

Shilka gaariga ayaa la sheegay inuu yimid gaariga oo xawaare sare ku socday, islamarkaana kusoo aaday goolad ama leexasho, dabadeedna uu darawalka xakameyn waayay gaariga.

"Gaariga wuxuu ku socday xowli meel leexasho ah ayuu kusoo aaday darwalkana waa celin kari waayay gaariga, taas waxay keentay in gaariga uu kusoo aaday goob dad badan fadhiyeen waa laga kala cararay sadax wiil oo carari weysay ayuu laba ka mid ah dulmaray midna waa dhaawac, wuxuna sidoo kale burburiyay dukaamo ganacsi, dadka dhaawaca waxa lagu daaweyn haya MCH ku yaala deegaanka oo aysan oolin daawo ku filan" ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka Cali Ganey.

Shilkaan baabuur ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee sanadkaan gudahiisa ka dhaca gobolka Hiiraan, waxaana shilalka noocaan oo kale ah mar walba ay ku yimaadaan taxadar la'aanta wadayaasha gaadiidka iyo wadooyinka oo ah kuwa burbursan.