4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaatay Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya
 

Arbaco, April 23, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee dib u heshiisiinta, xoojinta dowlad wanaagga iyo horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda ee salka ku haya doorashada tooska ah.

Wuxuu sidoo kale madaxweynaha carabka ku adkeeyay in dowladiisa ku howlan tahay qaban qaabada qabsoomida shirka wadatashiga qaran iyo talaabooyinka xasilinta siyaasadda dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya door kooda muhiimka ah ee ku aadan dib u dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiliyadii adkaa.

Kulankaan oo ka dhacay Xerada Xalane oo ku taala xeyndaabka magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka ku dhawaad 10 degmo oo ka tirsan Muqdisho ka bilaawday diiwaan galinta codbixiyaasha golayaasha deegaanka.