Hiiraan Online
4/25/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 24, 2025
Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda iyo Al shabaab ku dhexmaray Degaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe
Khamiis, April 24, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu saakay ku dhex maray degaanka Wargaadhi ciidamada Dowladda iyo kuwa Al shabaab.
Weerar Qaraxyo ku bilawday ay ku qaadeen salaadii subax kadib dagaalamayaasha Al shabaab deegaanka Wargaadhi oo ah Talis weyn oo laga hagaayay dagaalka ka dhanka ah Kooxdaasi ee ka socda Degaanada HirShabeele iyo Galmudug.
Waxaa jira khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala soo gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana dhinac walba uu sheeganaya inuu isagu guul ka gaaray dagaalka.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al Cadaala ayaa sheegay in meydad badan oo Al shabaab ah ay daadsan yihiin degaanka Wargaadhi ayna iska caabiyeen kooxdii weerarka soo qaaday.
Kooxda Al shabaab waxa ay sheegteen inay degaanka la wareegeen ayna gudaha u galeen saldhigaan Military oo ay ku sugnaayeen ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor iyo Macawiisleeyda.
Deegaanka Wargaadhi ee Shabeelada dhexe oo ahaa Marin muhiim u ah isku socodka dhanka Xeebta ee deegaanada wali ku harsan Gacanta dowladda iyo Muqdisho, qabsashada Al shabaab ee Wargaadhi waxay ka dhigan tahay inay Go’doon galayaan Deeganada Nuurdugle iyo Cadaan Laxeey ee Shabeellaha Dhexe.
Dowladda horey waxay u lumisay Ceelbaraf, Masjid Cali Guduud, Aaden Yabaal iyo degmooyin kale oo muhiim ahaa.