Khamiis, April 24, 2025 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa si cad uga horyimid qorshe lagu mideynayo diiwaangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs) ee dalka, kaddib wada-hadallo dhawaan dhexmaray Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) iyo Hay’adda Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).
War-saxafadeed kasoo baxay wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi tahay mid dhaawaceysa nidaamka federaalka, islamarkaana baalmaraysa awoodaha dastuuriga ah ee dowlad-goboleedyada.
“Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxay ka muujinaysaa walaac weyn oo ku saabsan wada-hadalladii dhawaan dhexmaray Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Hay'adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), kuwaasoo ku saabsanaa soo jeedin ah in la mideeyo diiwaangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs) isla markaana gargaarka bani'aadantinimo lagu xiro nidaamyo diiwaangelin oo heer federaal ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Puntland waxay sheegtay in isku dayga lagu hoos keenayo diiwaangelinta IDPs nidaam federaal ah uu yahay mid aan la aqbali karin, maaddaama maamulka dadka iyo gargaarkooda uu si buuxda uga mid yahay awoodaha dowlad-goboleedyada.
“Gargaarka waa in lagu salleeyaa baahida dadka, ee ma aha in loo adeegsado dano siyaasadeed,” ayaa lagu yiri warbixinta Puntland. Maamulka ayaa sidoo kale sheegay inay ka go’an tahay in gargaarka loo qaybiyo si caddaalad ah, lagana fogaado wax kasta oo keenaya eex siyaasadeed.
Puntland waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka inay dhowraan madax-bannaanida iyo doorka dowlad-goboleedyada, ayna iska diidaan tallaabo kasta oo dhaawici karta hufnaanta iyo wax-ku-oolnimada gargaarka bani’aadantinimo.

