4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 24, 2025
Puntland oo ku eedeysay Somaliland inay 2 doonyood oo shacab leeyahay ka afduubatay degmada Laasqoray
 

Khamiis, April 24, 2025 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Somaliland in laba doonyood oo ay lahaayeen ganacsato reer Puntland ah ay ka afduubatay xeebaha degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Eedeyntan ayaa jeediyay guddoomiyaha degmada Laasqoray ee Puntland, isagoo sheegay in ka xun yihiin falkaan, balse dhinaca kale sheegay in ay socdaan dadaallo lagu doonayo in doonyahan dib loogu soo celiyo ganacsatadii iska lahayd.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen degmada Laasqoray, kadibna ay horey usii ka xaysteen labada doonyood.

Waxuu sheegay inay ahaayeen doonyo sharciyaysan oo degaanka ka shaqeeya, isagoo beeniyay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegayay in doonyahaan ay sideen hub sharci darro ah.

Dhanka kale, dooni kale oo kalluumaysi ah ayaa laga afduubtay degaano ka tirsan gobolka Bari, waxaana la tuhunsan yahay in dhacdadaasi ay la xiriirto doonyaha laga afduubtay Laasqoray.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in ganacsato ku dhow kuwa laga afduubtay doonyaha Laasqoray ay iyaguna afduubteen doontan kalluumaysi, iyagoo ku andacoonaya in doontani ay wax ku leeyihiin ganacsato kasoo jeeda Somaliland.

Degmada Laasqoray ayaa kamid ah degaanada ay labada maamul mid walba sheegto inuu ka taliyo, hase ahaatee maamul ahaan waxaa haatan gacanta ku haya maamulka Puntland.