4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 24, 2025
Golaha Wasiirada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda
 

Khamiis, April 24, 2025 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu shir Guddoomiyay Shika Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo intiisi badan warbixino dhinaca ammaanka ah lagu falanqeeyay, sidoo kale lagu ansixiyay Hindise-Sharciyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda oo qeexaya dib-u habeynta nidaamka shaqo iyo ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda, isaga oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029).

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Maxamed Adan ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay ah in maanta Golaha Wasiirrada XFS ay si rasmi ah u ansixiyeen sharciga shaqaalaha rayidka oo markii ugu horreysay dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay tan iyo xeerkii hore ee Lr. 11, 2006.

Sida uu xusay Wasiirka Sharcigan cusub wuxuu Ku saleysan yahay mabaadii’da guud ee nidaamka shaqaalaha dawladda, Kasoo ka kooban 68 qodob, oo ay ku jiraan 9 qodob oo cusub, Sidoo kale sharcigaan waxuu la jaanqaadayaa xeerarka kale ee muhiimka ah sida xeerka hawlgabka, xeerka shaqada Soomaaliya, iyo siyaasadda darajooyinka & mushaaraadka.

Dhinaca kale Shirka inta uu socday waxaa warbixinada dhinaca ammaanka dalka quseeya gaar ahaan Dagaalka ay Dowladda Soomaaliya kula jirto Kooxda Al shabaab looga dhageystay Wasiirada Gaashandhiga iyo Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya iyagoona ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaaladii dalka ka dhacay ee lala galay Al shabaab.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhageysiga warbixinada ammaanka kadib waxa ay ay bogaadiyeen guulaha ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka oo toddobaadkan guulo taariikhi ah ka soo hooyay furimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Argagexisada sida Al shabaab.

Sidoo kale Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo bandhigay hawsha iyo dadaalka ay waddaan guddiga taakuleynta Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee dagaalka lagula jiro kooxda Al shabaab.