Khamiis, April 24, 2025 (HOL) - Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ay si kulul ugu cambaareynayaan tallaabooyinka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hurinayso xiisado amni iyo mid siyaasadeed oo ka socda gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay duullaan cad ku tahay shacabka reer Jubbaland iyadoo adeegsanaysa awood ciidan si loo burburiyo sida ay sheegeen amniga iyo haykalka dowladnimo ee ka hana qaaday deegaannada Jubbaland.
Waxay sheegeen in dowladda dhexe ay waddo ciqaab wadareed, siyaasadeynta deeqaha caalamiga ah, iyo xadgudubyo ka dhan ah Dastuurka dalka.
"Waxaan si adag u cambaareyneynaa falalka guracan ee lagu beegsanayo amniga iyo xasilloonida shacabka Jubbaland. Dowladda Federaalka waxaa la gudboon in ay joojiso faragelinta militari iyo hanjabaadaha joogtada ah ee ka imaanaya madaxda sare ee dowladda, wasiiro iyo taliyaal ciidan," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale uga digay dowladda dhexe in ay u dirto gobolka Gedo guddiyo aan loo dhameyn oo aan waafaqsaneyn dastuurka, kuwaas oo ay sheegeen in ay keeni karaan qalalaase hor leh. Waxay xasuusiyeen in haddii arrimahaasi sii socdaan, Dowladda Federaalka ay qaadan doonto masuuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha.
Sidoo kale, Xildhibaanadu waxay baaq u direen bulshada reer Jubbaland, iyagoo ugu yeeray in ay garab istaagaan maamulka Jubbaland, kana shaqeeyaan sugidda amniga, la dagaalanka Alshabaab, iyo xoojinta xasilloonida guud ee deegaanadooda.
Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay si dhow ula socdaan dhaqanka madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo ay ku eedeeyeen ku xadgudubka dastuurka iyo hurinta colaado cusub oo dalka ka sii daraya.