Khamiis, April 24, 2025 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Ciraaq Abdul Amir Al-Shammari oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa uu caasumaad rasmi ah soo gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu uga qeyb galo Shirka Jaamacadda Carabta.
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq ayaa lagu sheegay in Wasiir Al-Shammari uu casumaad rasmi ah uu kasiday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ciraaq, Cabdullaif Jamaal Rashiid, uu soo gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si uu uga qaybgalo shir madaxeedka waddamada Carabta ee lagu wado in bisha soo socota lagu qabto magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.
Wasiirka ayaa intii uu kulanka socday ee uu le yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay salaan uu ka siday Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Maxamed Shia Al-Sudani, Waxa kale oo ay ka wadahadleen diyaar garowga ay dawladda Ciraaq ugu jirto marti-gelinta shirkan.
Wasiirka arrimaha gudaha Ciraaq ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay dedaalka ay Dowladiisa ugu jirto sidii uu u qabsoomi lahaa shirkaan arrimo badan oo quseeya rabitaanka shacabka Carabta looga hadli doono oo ay ugu weyn tahay qadiyadda Falastiin.
Madxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Ciraaq ayaa sidoo kale isla soo qaaday xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Ciraaq iyo Soomaaliya si loogu adeego danaha guud ee labada Dowladood ka dhaxeeya.
Goor sii horeeysay oo maanta ah ayuu Wasiirka arrimaha gudaha Ciraaq kasoo degay Garoonka Muqdisho waxaana soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh iyo wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda.