4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 24, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta u ambabaxay Dalka Uganda
 

Khamiis, April 24, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Uganda si uu uga qeyb galo Shirka Madaxda ay Ciidamada Ka joogaan Soomaaliya oo ku kulansan wadankaasi.

Magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaa kasocda shir heer gobol ah, waxaana uu soo bilowday 22-ka Bishaan waxaana uu socon doonaa ilaa 25-ka bishan April, waxaana shirkan isugu yimid taliyayaasha ciidamada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee howlgalka AUSSOM.

Muhiimadda ugu weyn ee shirka ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo taageerada dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee howlgalka cusub ee AUSSOM ee dhawaan la aasaasay, kaasoo badelay howlgalladii hore sida AMISOM iyo ATMIS.

Marka laga soo tago Madaxweynaha Soomaaliya oo ah dalka ay ciidamadaan ka howlgalayaan waxaa shirka ku wehlin doona madax kale oo ka socota dalalka Uganda, Kenya, Burundi, Ethiopia, Djibouti, iyo Masar oo markii ugu horeysay ka qeyb galaysa howlgalkaan.

Masar ayaan hore ugu lug lahayn dadaallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya balse hadda waxay u muuqataa mid aad u danaynaysa arrimaha ammaanka Geeska Afrika.

Kulanka Kampala waxa uu horudhac u yahay shir madaxeedka soo socda ee madaxda Afrika, oo lagu goaamin doono masiirka mustaqbalka howlgalkaan cusub ee AUSSOM iyo sidii loo heli lahaa taageero maaliyadeed oo waara.