Hiiraan Online
4/25/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2025
Guddoomiyaha Midowga Afrika oo sheegay in Soomaaliya ay wali u baahan tahay ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Midowga Afrika
Jimco, April 25, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlayay ka qeyb galayaasha wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCC) ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay wali u baahan tahay taageerada wadamada Midowga Afrika.
Guddoomiye Maxamuud ayaa qiray inay jiraan horumar ay Dowladda Soomaaliya ka sameysay dagaalka ay kula jirto Al Shabaab iyagoo taageera ka helaya kuwa nabad ilaalinta ee jooga Soomaaliya, isagoo xusay in howlgalka cusub ee AUSSOM uu muhiim u yahay sii joogteynta guulahaas.
"Inkastoo ay soo food saartay caqabado dhaqaale, Ururka Midowga Afrika waxaa ka go'an inuu abaabulo wax waliba oo lagama maarmaan u ah socodsiinta Howlgalka cusub, Dadaal iskaashi ayaa lama huraan u ah in la adkeeyo howlgalkan" ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Afrika.
Waxa uu sidoo kale Khudbadiisa ku xusay in Xasiloonida Soomaaliya kaliya faa'iido ugu jirin Geeska Afrika balse sidoo kale ay faa'iido u leedahay nabadda caalamka.
Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay shaqada ay wadaan ciidamada ka socda Midowga Afrika iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ee dadaalka ugu jira dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed.