4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2025
Dowladda Kuwait oo malaayiin lacag ah ugu deeqday Soomaaliya
 

Jimco, April 25, 2025 (HOL) - Sanduuqa Kuwait ee Horumarinta Dhaqaalaha Carabta (KFAED) ayaa heshiis deeq maaliyadeed la saxiixday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA), kaasoo ku kacaya $2.5 milyan oo lagu taageerayo Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya.

Heshiiskaan oo la saxiixay shalay oo Khamiis ahayd ayaa socon doono inta lagu guda jiro 2025-2026 waxaana saxiixay Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Kuwait Waleed Al-Bahar iyo Agaasimaha Maaliyadda iyo Iskaashiga OCHA Lisa Dotten.

Deeqdan ayaa ujeedadeedu tahay in lagu maalgeliyo mashaariicda bani'aadamnimada ee yar-yar ee daboolaya baahida 6.9 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya oo ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha.

Tani waa taageeradii afaraad ee Sanduuqa Kuwait ee Dawladaha Carabta ay siiso Qaramada Midoobay.

Tan iyo 2017, waxa ay bixisay ku dhawaad ​​$4.6 milyan, oo ay ugu dambaysay deeq ay siisay dhulka Falastiiniyiinta 2024. Kuweyt waxa ay caddaysay sida ay uga go'an tahay in ay taageerto dadaallada bani'aadamnimada ee caalamiga ah.