4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2025
Madaxweyne Cirro: Cidna duullaan kuma nihin, laakiin cidii na soo doonata way ka shallayn doontaa
 

Jimco, April 25, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in 100-kii cisho ee ugu horreeyay muddo xileedkiisa uu xoogga saaray nabadaynta, difaaca, casriyeynta dhaqaalaha iyo xoojinta siyaasadda arrimaha dibadda.

Madaxweyne Cirro oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday madaxtooyada, oo lagu soo bandhigayay waxqabadka xukuumaddiisa ee 100-kii cisho ee u horreeyay, ayaa sheegay in ay qarameeyeen badanka ciidamadii madaniga ahaa, si loo helo ciidan midaysan oo xooggan iyo in Somaliland noqoto meel nabad ah oo dunidu maalgelin ku samayn karto.

“3 bilood ka hor Ceerigaabo iyo Ceel-afwayn, dadku qoryo ayay wada siteen, imikana waanu ka mamnuucnay in magaalooyinka qoryo lala soo galo,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro. “Waa mahad Ilaahay in ciidamadii madaniga ahaa in yar oo faro ku tiris ah ka hadhsan yihiin caawa, intaasi berri, sahadanbe iyo saakuunba way dhammaanayaan.”

Dhanka kale, waxa uu sheegay in ciidamada kala duwan casriyeyn lagu sameeyay, isla markaana la diiwaangeliyay, isaga oo xusay in Somaliland aanay cidna duullaan ku ahayn, balse ay is-difaaci doonto. “Cidna duullaan kuma nihin ayaanu u sheegaynaa dunida, laakiin cidii na soo doonata way ka shallayn doontaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu samaysay hannaan dhaqaale oo la dagaallamaya musuqmaasuqa, isagoo xusay in xukuumaddiisu 100% aanay u dulqaadan doonin wax isdaba-marinta.

Intaa waxa uu ku daray in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland la xoojiyay, isla markaana dib loo soo celiyay dhammaan xidhiidhadii hore ee Somaliland dunida la lahayd ee gaabiska galay, isaga oo sheegay in Somaliland ay dhawaan heli doonto aqoonsi caalami ah.

Joogitaanka ciidamada madaniga ah ee bariga Somaliland ayaa hoos u dhigay amnigii ay Somaliland muddada dheer ku naaloonaysay, iyadoo hay’adaha horumarinta ay ka baaqdeen inay ka hawlgalaan gobolladaas. Taasi oo dhaawac u geysatay siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland.

Marka laga yimaaddo tallaabooyinka ay Somaliland isku xoojinayso, weli waxa is hor fadhiya ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka SSC-Khaatumo, kuwaas oo mid kasta aaminsanyahay in gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ay dhulkiisa ka mid yihiin, waxaana jira dagaallo dhawaan labada dhinac dhexmaray.