4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2025
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha gudaha Ciraaq oo kawada hadlay iskaashiga dagaalka Kooxaha Argagexisa

Jimco, April 25, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq Cabdul Amiir Al-Shammari, oo shalay booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada iyo isdhaafsiga khibradaha.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Ciraaq ayaa u sheegay Ra'iisul wasaare Xamsa Khibrada ay Dowladiisa ay u leedahay la dagaalanka Kooxaha Argagexisada oo mar dhibaato weyn ku hayn jirtay wadankaasi.

Wasiir Cabdul Amiir Al-Shammari, ayaa muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uuna ballan qaaday in la dar-dar gelinayo iskaashiga labada dal, si gaar ah dhinacyada amniga, socdaalka, waxbarashada iyo tababarrada laamaha ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirka iyo wafdigiisa, isagoo ku bogaadiyey booqashada uu ku yimid dalka, waxa uuna xusay in booqashadani ay tahay tallaabo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal.