4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2025
Midowga Afrika oo ku baaqay taageero degdeg ah si loo joogteeyo dadaallada nabadeed ee Soomaaliya
 

Jimco, April 25, 2025 (HOL) - Midowga Afrika (AU) ayaa mar kale ugu baaqay beesha caalamka in ay si wadajir ah u taageeraan kala guurka socda ee laga gudbayo Howlgalka Kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), loona gudbayo qaab-dhismeedka cusub ee ammaanka ee ay hogaaminayso AU ee loo yaqaan AUSSOM.

Baaqan ayaa kasoo baxay kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Entebbe ee dalka Uganda, halkaas oo ay ku sugan yihiin masuuliyiin heer wasiir, danjireyaal iyo wakiillo ka socda waddamada ciidanka ugu tabarucay ATMIS. Waxaa dib loo milicsaday ku dhawaad labaatan sano oo ay dadaal ku bixinayeen xasilinta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Mahamoud Ali Youssouf, oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa xusay kaalinta muhiimka ah ee ay Afrika ka qaadatay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka Al-Shabaab iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda.

“Mudo ku dhow labaatan sano, waddamada ciidanka keenay waxay garab istaageen Soomaaliya, iyaga oo u huray naf iyo maal,” ayuu yiri. “Kumanaan wiilal iyo gabdho Afrikaan ah ayaa noloshooda ku waayay arrintan. Waxaan xusuus iyo maamuus u haynaa geesinimadooda iyo dhaxalkooda.”

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar la taaban karo, iyadoo dib u qabsatay dhul ay hore ugu sugnaayeen Al-Shabaab iyo dhisidda qaab-dhismeedka dowladnimo. Si kastaba ha ahaatee, kala guurka lagu sameynayo AUSSOM—oo ah hannaan cusub oo la doonayo in masuuliyadda amniga ay si buuxda u qaadato dowladda Soomaaliya—ayaa wajahaya caqabado dhaqaale iyo farsamo. Waxaa weli jirta caga jiid ku aaddan hirgelinta Qaraarka QM ee 2719. Guddiga AU wuxuu dadaal xooggan ku bixin doonaa sidii loo heli lahaa maalgelin, balse waa lama huraan in dalalka xubnaha ka ah AU iyo saaxiibada caalamiga ah ay si isku duuban u garab istaagaan si aysan u burburin howshan,” ayuu ku daray hadalkiisa guddoomiyaha Midowga Afrika.

Wakiillo iyo khuburo ka qeybgalay kulanka ayaa ku tilmaamay kala guurkan ATMIS-AUSSOM inuu yahay “xilli go’aan qaadis ah” oo kaalin weyn ka ciyaari doona mustaqbalka amniga Soomaaliya. AUSSOM, oo ka duwan howlgaladii hore, wuxuu xoogga saarayaa in hoggaanka amniga laga wareejiyo ciidamada shisheeye loona wareejiyo ciidamada Soomaaliya, taasoo u baahan kobcinta awoodda ciidan ee gudaha iyo mideyn siyaasadeed oo qaran.