Sabti, April 26, 2025 (HOL) - Ciidamada Turkiga ee dhawaan la geeyay magaalada Muqdisho ayaa sida aan xogta ku helnay ka shaqeyn doona amniga hantida Turkiga ee kataala Soomaaliya, gaar ahaan shirkadaha shidaalka iyo shaqaalahooda.
Warkan ayaa meesha ka saaraya wararka sheegaya in ciidamada Turkiga oo tiradooda lagu qiyaasay 500 askari ay dagaal dhulka ah la geli doonaan Al-Shabaab. Ciidamadan ayaa loo ogol yahay inay isdifaacaan kaliya.
Ciidamadan oo qeyb ka ah heshiis dhanka amniga badda ah oo ay sanadkii hore kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa loo geeyay Soomaaliya si ay u fuliyaan waajibaadka la xiriira fulinta heshiiskaas. Heshiiska ayaa dhigayay in Turkigu muddo laba sano gudahood ah uu ciidamo keeno Soomaaliya.
Si ciidamada Turkiga ay u galaan dagaal dhulka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxa looga baahan yahay in oggolaansho rasmi ah ay ka helaan baarlamaanka Turkiga.
Hase yeeshee, qorshaha noocaas ah ma jiro xilligan, waxaana ciidamada Turkiga shaqadooda ku koobnaan doontaa ilaalinta xeebaha Soomaaliya iyo amniga shaqaalaha iyo shirkadaha shidaalka baaraya.
Sidoo kale, maraakiib dagaal oo waaweyn oo laga leeyahay Turkiga ayaa haatan ku sugan biyaha Soomaaliya, kuwaas oo difaacaya markab shidaal baaris ka wada xeebaha dalka.