Sabti, April 26, 2025 (HOL) - Degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Kaaraan, Yaaqshiid, Warta Nabadda, iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayaa maanta oo Sabti ah ka billowday diiwaangelinta dadweynaha si ay u qaataan kaarka codbixinta, iyadoo loo diyaar-garoobayo doorashada golaha deegaanka ee lagu wado inay qabsoonto bisha Juun ee soo socota.
Sawiro iyo muqaalo loo adeegsaday Baraha Bulshada ayaa lagu arkaayay shacab badan oo ka kala socday lixda degmo oo maanta safaf dhaadheer ugu jira bannaanka goobaha diiwaangelinta, si ay uga qaybgalaan wareegga afraad ee isdiiwaangelinta socota, Madaxda degmooyinka ay ka socoto diwaan galinta codbixiyayaasha ayaa ugu baaqay Shacbka Degmooyinkoodi inay tagaan goobaha diwaangalinta.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kormeer ku tagay xarumaha Degmooyinka Kaaraan, Hodan iyo Warta Nabadda oo ay maanta ka bilawdeen is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha dadweynaha ee ku saleysan doorashooyinka dalka ee qof iyo cod.
Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay sida ay bulshada Caasimadda usoo gaarayaan goobaha loo asteeyay diiwaangelinta codbixiyeyaasha si ay u qaataan shahaadada codbixinta, isla markaana ay fursad u helaan in ay soo doortaan madaxdooda kuna ciil baxaan codkooda, taasi oo qeyb ka ah xuquuqdooda muwaadinnimo.
Kormeerka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha Cabdikariim Axmed, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo shacabka kula hadlay goobaha ay safafka dhaadheer ugu jireen uguna baaqayay inay dadka usoo baxaan fursadaan Taariikhiga ah.