6/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 26, 2025
Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay howlgal cusub oo lagu magacaabo Onkod oo ka dhan ah Shabaabka ku sugan Calmadow
 

Sabti, April 26, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku dhawaaqay inay bilaabayaan howlgal cusub oo uu ugu magac daray Onkod, kaasoo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay howlgalka Onkod inuu yahay wajigii afraad ee howlgallada ka dhanka argagixisada ku dhuumaalaysanaya Puntland.

Saddexdii waji ee hore ee howlgankan ayaa waxa laga fuliyay buuraha Calmiskaad, halkaas oo ciidamada Puntland ay muddo ku dhow lix bilood kula dagaalamayaan kooxda Daacish.

Inkasta oo madaxweynuhu ku dhawaaqay howlgalka cusub ee Al-Shabaab lagula beegsanayo, haddana ma caddayn in la soo afjaray howlgalka Hillaac ee ka socday buuraha Calmiskaad, halkaas oo ciidamada Puntland ay weli kula dagaalamayaan haraadiga kooxda Daacish oo isku uruursaday Togga Miiraale.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaanahan dhaqdhaqaaqyo ka wadday degaannada buuraha Calmadow, halkaas oo ay kusoo bandhigayeen dagaalamayaal cusub oo ay dhowaan qorteen.

Tirada xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan Calmadow ayaa la rumeysan yahay inay korodhay tan iyo markii Puntland xoogga saartay dagaalka ka dhanka ah Daacish.