6/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 27, 2025
Kooxda Barcelona oo markoodi 32aad ku guuleystay Copa Del Reyga ee dalka Spain
 

Axad, April 27, 2025 (HOL) - Kooxda Barcelona ayaa ku guulaysatay koobkii 32-aad ee Copa Del Rey-ga kadib markii ay 3-2 ku garaacday kooxda ay xifaaltamaan ee Real Madrid ciyaartii finalka ee Sabtidii ka dhacday garoonka La Cartuja ee magaalada Seville, ee koonfurta Spain.

Kooxda Barcelona ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay bilowga Ciyaarta, waxaana u dhaliyay xiddiga da,yarka ah ee Pedri daqiiqadii 28-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta,waxana uu ku dhamaaday gool iyo waxba Qeybta hore.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Real Madrid ayaa waxaa u suuragashay inay la timaado goolka barbaraha, waxaana u dhaliyey 70’daqiiqo markii ay socotay Ciyaarta xiddiga reer France Kylian Mbappé, ka hor inta uusan 7’daqiiqo ka dib gool u dhalinin xiddiga ay isku dalka yihiin ee Aurelien Tchouameni.

Laakiin Ferran Torres ayaa si deg deg ah u barbareeyay Blaugrana daqiiqadii 84-aad ee ciyaarta, waxaana waqtigii caadiga ahaa lagu kala nastay barbaro 2-2 ah, taasoo labada kooxood ku qasabtay inay laba qeyb oo dheeri ah ciyaaraan, waxaana Barcelona ay ku badisay gool uu u dhaliyay xiddiga reer France Jules Kounde daqiiqadii 116-aad.

Barcelona ayaa sidaas darteed u diiday kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid in ay ku guulaysato koobkeedii 21-aad ee tartanka.

Guul daradaan waxa ay mugdi kusii riday shaqada iyo mustaqbalka tababaraha Kooxda Real Madrid ee reer Italy Carlo Ancelotti kadib markii kooxda laga reebay tartanka champions League.

Kani waa Koobkii labaad ee Barcelona ay xilli ciyaareedkan ka qaado kooxda ay xafiiltamaan, ka dib markii ay ku garaaceen finalka Spanish Super Cup bishii Janaayo ee la soo dhaafay.