6/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2025
Somaliland oo sheegtay inaanay ku dhex milmi doonin colaadaha Bariga Dhexe
 

Isniin, April 28, 2025 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay inaanay qayb ka noqon doonin colaadaha ka taagan Bariga Dhexe sida dagaalka Qasa, kadib markii dhawaan la sheegay in Maraykanku doonayo in qayb ka mid ah dadka reer Qasa loo raro Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo waraysi siiyay warbaahinta Daily Euro Times, ayaa sheegay in Somaliland diyaar u tahay iskaashi kasta, balse aanay doonayn inay dhex gasho colaadaha Bariga Dhexe.

"Ma rabno in aqoonsigeennu noqdo sidii wax la kala iibsanayo oo kale; waa inuu noqdaa mid salka ku haya mabaadii', oo aanu noqon mid ku dhisan dad la kala badalanayo. Waanu soo dhawaynaynaa wadahadal kasta oo aanu la yeelano matalayaasha caalamiga ah ee ku saabsan nabadda iyo iskaashiga, laakiin gorgortan uma noqon karno colaadaha aan la xalin ee Bariga Dhexe," ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in Somaliland ay xidhiidh la yeelan karto Israa'iil, balse sida dowlad kasta oo masuul ah, ay siyaasaddeeda arrimaha dibadda ku dhisantahay danteeda, ilaalinta nabadda gobolka, iyo rabitaanka dadkeeda, isla markaana ay la xidhiidhi doonaan qaran kasta oo ay dani ugu jirto.

Warka sheegaya in dadka reer Qasa loo rari doono Somaliland ayaa soo baxay 14-ka Maarso, 2025, kadib markii wakaaladda wararka ee AP ay ku warantay in Maraykanka iyo Israa'iil ay qorshaynayaan in dadka reer Qasa loo raro Suudaan, Somaliland iyo Soomaaliya.

Haddaba, Wasiir Cabdiraxmaan oo kadib waraysiyo gaar-gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters iyo warbaahinta Israa'iil, ayaa sheegay in Maraykanka iyo Israa'iil aanay arrinta Qasa kala hadal Somaliland, sidaas darteedna aanu doonayn inuu buunbuuniyo wax war aan jirin.

Warbaahinta qaarkeed ayaa bilihii lasoo dhaafay qorayay in maadaama Somaliland ay Maraykanka ka rabto aqoonsi, ay u badan tahay inay aqbasho qaadashada qayb ka mid ah bulshada reer Qasa si ay aqoonsi ugu beddelato, taas oo ka cadhaysiisay qaybo kamid ah bulshada Carabta.

Warbixin ay dhawaan qortay New York Times ayaa lagu sheegay in wadahadal hordhac ahi uu u socdo Washington iyo Hargeysa, isla markaana laga yaabo in Maraykanku uu saldhig ciidan ku yeesho Berbera, taa beddelkeedana uu aqoonsado Somaliland.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa Trump ku tilmaamay nin lala macaamili karo, isla markaana uu ka rajaynayo inuu Somaliland siiyo aqoonsi.

Wufuud sare oo ka socota Somaliland ayaa la filayaa inay Maraykanka u socdaasbo bilaha soo socda, si ay u xoojiyaan dadaallada aqoonsi raadinta.  

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo socdaal dhawaan ku tagay Maraykanka ayaa sheegay in masuuliyiinta Maraykanka ay u sheegeen inay arrimaha gobolka kala macaamilaan Somaliland.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa kor u qaaday dadaaladeeda ay kaga hortagayso in Somaliland noqoto dowlad gaar ah, iyada oo wada dadaallo diblomaasiyadeed iyo fursado dhaqaale iyo iskaashi oo ay u soo bandhigayso Washington, si looga maarmo Somaliland.