6/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2025
Puntland oo soo saartay go'aamo lagu xakamaynayo tahriibka dhalinyarada
 

Isniin, April 28, 2025 (HOL) - Puntland ayaa soo saartay go'aamo ku saabsan xakameynta tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah ee ka dhaca garoomada Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulan ay yeesheen saraakiisha socdaalka iyo hay'adaha amniga ayaa lagu sheegay in tahriibka sii kordhaya uu halis weyn ku yahay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Go'aannada kasoo baxay kulankan ayaa muujinaya in hay'adaha Puntland ay u baahan yihiin inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ka hortagga tahriibka, iyadoo la isku raacay in tallaabo laga qaado tahriibayaasha iyo shabakadaha tahriibinta ka shaqeeya. Shirkadaha diyaaradaha iyo xafiisyada tigidhada, ayaa lagu amray inay hubiyaan saxnaanta dokumentiyada rakaabka ka dhoofaya garoomada.

Puntland ayaa caddeysay in qof kasta oo lagu qabto garoomada Puntland isagoo ku lug leh tahriib ama adeegsanaya dukumentiyo been abuur ah uu wajahi doono ciqaab adag oo sharciga waafaqsan.

Garoonka diyaaradaha Garowe aya noqday meesha ugu badan ee laga tahriibiyo dhalinyarada Puntland.

Dhallinyaro badan oo ka tahriibtay Puntland ayaa lagu la'yahay xeebaha u dhaxeeya Aljeeriya iyo Spain, halkaas oo sanadihii ugu dambeeyay noqotay marin cusub oo ay ku badan yihiin dadka tahriibaya.

Shirka ayaa lagu go’aamiyay:-

• In si buuxda looga hortago dhammaan falalka sharci-darrada ah ee garoomada laga dhoofo.

• In la joojiyo tahriibka sii kordhaya ee dhibta ku haya dhalinyarada naf iyo maalba.

• In si wada jir ah looga shaqayo dhammaan hay'adaha dawladda ee ku shaqada leh ka hortaga tahriibka ah.

• In si adag sharciga loo mariyo tahriibayaasha iyo shabakadaha tahriibkaka shaqeeya.

• In shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa tigidhada ay kawda wada shaqeeyan hubinta saxda ah ee dokumentiyada rakaabka.