Isniin, April 28, 2025 (HOL) - Xafiiska Arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta Soomaaliya ayaa soo saartay digniin culus oo ku wajahan Xujeeyda Soomaalida ee sanadkaan Xajineysa.
War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska ayaa lagu sheegay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka digtoonaadaan la macaamilka Shirkado iyo shaqsiyaad sheeganaya inay hayaan adeegga Xajka kuwaas oo ka baxsan Xayndaabka waddooyinka rasmiga ah ee loo maro adeegga xajka.
Sidoo kale wuxu xafiiska arrimaha Xajka Soomaaliya uu shaaca ka qaaday inuu xusuusinayo dhammaan ummadda Soomaaliyeed in Xajka ay mas'uul ka tahay kaliya Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka jamhuuriyadda federalka Soomaaliya.
Xafiiskaan ayaa shaaca ka qaaday inay u diiwan gashan yihiin shirkadaha fuliya adeega xajka oo gaaraya (71) shirkadood ku waas oo lagu faafiyay warbaahinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.
Xafiiska Arrimaha Xajka ayaa ugu dambeeyntii wuxu ku booriyay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sanadkaan aadaya gudashada waajibka Xajka inay ilaaliyaan nidaamka iyo qawaaninta dalka Boqortoodaya Sucuudiga.
Si kastaba ha ahaateen warkaan kasoo baxay Xafiiska Xajka Soomaaliya ayaa imaanaya saacado uun kadib markii Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay si kumeelgaar ah u mamnuucday bixinta fiisayaasha muwaadiniinta kasoo jeeda 14 dal oo ay kamid yihiin: Iiraan, Nigeria, Itoobiya, Soomaaliya, Koongo, Liibiya iyo Suudaan.