6/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 28, 2025
Somaliland iyo Taiwan oo iska kaashanaya amniga badda iyo la dagaalanka budhcad-badeeda
 

Isniin, April 28, 2025 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay inay Taiwan kala saxeexan doonaan heshiis ay iskaga kaashanayaan amniga badda iyo horumarinta dhismayaasha iyo adeegyada la xidhiidha badaha, xili ay sii kordhayso hanjabaada Shiinaha ee ka dhan ka ah xidhiidhkooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo waraysi siiyay Euro Daily Times, ayaa ka hadlay safar la filayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, Lin Chia-lung, uu ku yimaado Somaliland, isaga oo sheegay in labada dhinac ay bilaabayaan iskaashi dhinaca amniga badda ah.

Wasiirka oo la waydiiyay in heshiisku noqon karo mid milateri, ayaa sheegay in heshiisku wax ka tari doono dhinacyada amniga ganacsiga, la dagaalanka budhcad-badeeda, iyo horumarinta loojistikada iyo qalabka badda.

"Xidhiidhkeena Taiwan wuxuu ku salaysan yahay is-ixtiraam, wadaagista qiyamka dimuqraadiyadda, iyo ballanqaadka horumar nabadeed. Iskaashiga badda wuxuu inta badan diiradda saari doonaa amniga ganacsiga, la-dagaallanka budhcad-badeeda, iyo horumarinta kaabeyaasha saadka... ee ma aha milatariyeyn," ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan.

Waxa uu sheegay in Geeska Afrika uu u baahan yahay nabad, laakiin aanu u baahnayn tartan hubaysan, isla markaana iskaashi kasta oo ay cid la yeelanayaan uu salka ku hayn doono baahiyaha guud ee gobolka, sida sugidda amniga biyaha badda iyo la dagaalanka budhcad-badeeda, maadaama Geeska Afrika yahay meel aan xaaladdeedu degganayn.

Wasiirka oo la waydiiyay suuragalnimada in Shiinuhu taageero siiyo SSC-Khaatumo, oo sheegtay inay ka go'day Somaliland, ayaa sheegay inuu ogyahay khatarta Shiinaha, laakiin aqoonsi-raadintoodu ay tahay mid loo marayo dowlad-wanaaggooda, dimuqraaddiyaddooda, iyo taariikhdooda, isla markaana aanay madaxbannaanidooda ku badalan doonin dano muddo gaaban. "Somaliland waxay soo dhawaynaysaa iskaashi wax tar leh, waxayna diidaysaa in shisheeye wax u yeedhiyo," ayuu yidhi Wasiirku.

Somaliland iyo Taiwan, oo aan si rasmi ah loo aqoonsan, ayaa sannadkii 2020 yeeshay xidhiidh rasmi ah. Xidhiidhkooda ayay ku sheegeen mid ka tarjumaya qiimaha xornimo-doonka iyo dimuqraadiyadda ee ay wadaagaan. Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa si weyn uga cadhooday xidhiidhkooda, kuwaas oo hadda iska kaashanaya sidii loo joojin lahaa xidhiidhka Hargeysa iyo Taipei.

Dowladda Shiinaha ayaa 16 Maarso ku hanjabtay inay qaadayso tallaabooyin ka dhan ah Somaliland haddii ay ka noqon waydo xidhiidhka Taiwan, isla markaana waxay si adag u cambaareeysay xidhiidhka labada jamhuuriyadood.

"Taiwan waxay gacan saar la leedahay quwadda siyaasadeed ee Hargeysa, iyagoo si cad ugu ololeynaya gooni-isu-taaggeeda. Waanu cambaaraynaynaa oo waanu uga digaynaa xoojinta xidhiidhkaasi," ayuu yidhi Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho, Wang Yu, waraysi uu siiyay warbaahinta Dalsan Tv.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dhawaan sheegay in xukuumadiisu sii xoojin doonto xidhiidhka Taiwan, iyada oo wakiil cusub u magacawday xafiiskeeda Taipei. Madaxweynaha iyo xisbigiisa, ayaa xilligii ay mucaaradka ahaayeen, xidhiidhka Taiwan u arkayay mid sababi kara khatar kaga timada Beijing.

Xidhiidhka Taiwan ayaa Somaliland usoo jiiday taageero siyaasadeed oo ka heshay xildhibaano iyo siyaasiyiin badan oo Maraykan iyo reer Galbeed ah oo Taiwan taageera. Dhanka kale, Shiinaha ayaa hanjabaado joogto ah ku haya Somaliland, waxaana suuragal ah inuu hor istaago fursado badan.