Talaado, April 29, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa guddiga Xeer-hoosaadka dib ugu celiyay Kursiga tirsigiisu yahay Hop 201 ee uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdullaahi Abiib.
Guddoomiye Aadan Madoobe oo wajahaya Culeysyo uga yimid Xildhibaanada Mucaaradka kadib markii ay ka keeneen mooshin xilka qaadis ah ayaa u muuqda in uu ka tanaasulay damaciisii ahaa in uu xilka ka xayuubiyo Xildhibaan isaga lamid ah.
War saxaafadeed uu soo saaray Sheekh Aadan Madoobe waxa uu shaaca uga qaaday in Markuu tixgeliyay dareenka iyo talo soo jeedinta xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS uu Go'aamiyay Qodobada ahoos ku xusan:
1. Inuu dib ugu celiyo Guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka arinta la xiriirta kursiga Hop#201 ee uu ku fadhiyo Xildhibaan Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib si ay ugu soo talo bixiyaan si waafaqsan qodobka 50-aad, farqadiisa 2-aad, xarafka (D) ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka BJFS.
2. In Guddiga Xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka ay tala bixintooda dib ugu soo celiyaan fadhiyada guud ee Golaha Shacabka, si waafaqsan xeerhoosaadka Golaha Sahcabka BJFS.
HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA.