Talaado, April 29, 2025 (HOL) - Puntland iyo Somaliland ayaa bilaabaya isdhaafsiga maxaabiis dagaal oo ku kala xiran Hargeysa iyo Garowe, waana tallaabo cusub tan iyo markii ay dagaallada Laascaanood ka dhaceen sanadkii 2023.
Maxaabiista ugu horreysa ee laga sii deynayo dhinaca Somaliland oo tiradoodu ka badan tahay 10 maxbuus, ayaa la filayaa in maalinta berri ah la keeno magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, sida ay si rasmi ah u shaacisay Puntland.
Waxaa la qorsheeyay in soo dhoweyn ballaaran loo sameeyo maxaabiistaas, kuwaas oo muddo ka badan labo sano u xirnaa colaadda dhextaala Somaliland iyo SSC Khaatumo oo weli kala haysta maxaabiis.
Dhanka kale, Puntland ayaa waxay qorsheynaysaa inay Khamiista diyaarad ka saarto magaalada Garowe in ka badan 10 maxbuus oo kasoo jeeda dhanka Somaliland, kuwaas oo ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaaladii Laascaanood ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay maamulka SSC Khaatumo kala soo wareegto 25 maxbuus oo ahaa ciidamada Somaliland, kuwaas oo maalmo ka hor loo qaaday degaanada Somaliland.
Isdhaafsiga maxaabiista ayaa loo arkaa tallaabo xagga nabadda iyo isu soo dhowaanshaha ah, taas oo muhiim u noqon karta yareynta xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee gobolka.