Arbaco, April 30, 2025 (HOL) - Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay talaabada ay Maamulada Somaliland, SSC Khaatumo iyo Puntland isku dhaafsadeen Maxaabiista lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Magaalada Laascaanood.
Wasaaradda ayaa ku tilmaamtay in tallaabada ay maanta maamuladaan ay qaadeen ay kutimid dedaaladii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre kadib socdaalkiisii taariikhiga ahaa ee uu ku tagay Magaalada Laasacaanood.
Wasaaradda ayaa bogaadisay Madaxda Maamuladaas oo ay sheegtay inay muujiyeen niyad wanaag isla markaana qaaday tallaabooyin horseeday nabad ka hanaqaada gayigeena.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Arintaan ay tahay mid muhiim u ah nabad kuwada noolaashaha shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, daris wanaaga, isku socodka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeeyntii Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhiirigalisay Somaliland, SSC-Khaatumo iyo Puntland in ay sii wadaan dedaaladan bilowga ah ilaa laga xaqiijinayo in Xorriyadooda ay dib u helaan Muwaadiniinta u xiran Xiisadaha Colaadeed sidoo kalana la dardargaliyo wada hadalada Bulshada iyo nabadaynta.
Somaliland iyo Puntland ayaa maanta isdhaafsaday maxaabiis gaareysay ilaa 26 askar oo lagu kala qabsaday dagaalkii Laascaanood ku dhaxmaray Somaliland iyo SSC Khaatumo.
Maamulka SSC Khaatumo ayaa horay ugu wareejisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya 25 maxbuus oo ay ku qabatay dagaalkii Laascaanood kuwaas oo Hargaysa laga dajiyay.