4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 4 , 2025
Jubbaland oo sheegtay in Al shabaab badan lagu dilay howlgal ka dhacay waqooyiga Jubbada Hoose
 

Jimco, April 4, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Jubaland iyo kumaandooska Danab ay guul weyn ka gaareen howlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen waqooyiga Gobolka Jubada hoose, halkaas oo ay bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Al shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Howlgalkan, oo si taxaddar leh loo diyaariyay, lagu weeraray fariisimo ay Kooxda Al shabaab  ku lahaayeen deegaanka Qabri Shariif ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha howlgalkaan hogaamineysay ayaa shaaca ka qaaday in tiro badan oo ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab lagu dilay howlgalka inta uu socday, halka kuwa kale ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah, balse ay ciidamadu si dhow u daba joogaan.

Sidoo kale Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalkaan ayaa caddeeyay in la burburiyay xarumihii ay Al shabaab kaga dhuumaalaysanaayeen deegaanka, isla markaana la fashiliyey qorshayaal ay damacsanaayeen inay fuliyaan.

Maalmihii ugu dambeeyay degaanada Jubbada Hoose waxa ay ciidamada Jubbaland ka wadeen howlgal ka dhan ah Kooxda Al shabaab iyo mid si guud loogu sugayo amaanka degaanada Jubalanad ay ka arrimiso.