4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 4 , 2025
Mareykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeymo uu ka fuliyay gobolka Bari
 

Jimco, April 4, 2025 (HOL) - Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn uu dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen deegaano dhaca Koonfur Bari Boosaaso ee gobolka Bari.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu fuliyay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, taasoo dhacday 1-dii bishaan April oo ku beegneyd Talaadadii lasoo dhaafay.

Taliska ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku xusay in duqeynta lagu dilay xubno badan oo ka tirsana kooxda daacish, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo duqeynta kasoo gaaray dad rayid ah.

Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish, isaga oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya si looga hortago khatarta amni ee  kooxdu ku leedahay Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Mareykanka waxay ka mid tahay dowladaha ugu horeeya ee Soomaaliya ka taageera duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu beegsado kooxaha Daacish iyo Al-shabaab.