Hiiraan Online
4/25/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Apr 4 , 2025
In ka badan 20 xubnood iyo horjooge sare oo kooxda Al-shabaab looga dilay Shabeellaha Dhexe
Jimco, April 4, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidanka difaaca deegaanka ay ka sameeyeen maanta deegaanka Nuur gadow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhaxe.
War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo horjooge sare.
Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya lagu shaacin magaca horjoogaha kooxda Al-shabaab looga dilay deegaanka Nuur gadow iyo waxa uu u qaabilsanaa Al-shabaab.
"Taliskii khawaarijta ay ku lahayeen Degaanka Nuur gadow Geesiyaasha Difaaca ayaa Howlgalka ku dilay in ka badan 20 Maleyshiyaad ah iyo horjooge sare oo ka tirsan khawaarijta" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.
Howlgalkaan ciidanka difaaca ay ka fuliyeen deegaanka Nuur gadow ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ay ka socdeen dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaas.