4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2025
Xulka Qaranka Soomaaliya oo 17 jira oo guul daro qaraar kala kulmay Xulka Gambia
 

Sabti, April 5, 2025 (HOL) - Xulka qaranka Gambia ee da’doodu ka hooseyso 17 jirada ayaa dib u soo nooleeyay rajadooda u soo bixida koobka qaramada Afrika kadib markii ay 5-1 kaga badiyeen xulka Soomaaliya ciyaartii labaad ee Group C Jimcihii 4-ta April, ciyaar ka dhacday garoonka Ben Ahmed El Abdi ee dalka Morocco.

Gambia ayaa si adag uga jawaabtay ka dib markii ay guuldaro kala kulmeen dalka ay dariska yihiin ee Senegal ciyaartii ugu horeysay, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 3-0 oo ay hogaanka ku hayeen xulka Gambia.

Gambia ayaa daqiiqadii 4-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Aliou Drammeh kaas oo dhaliyay gool ku laad ka dib markii saaxiibkiis Alajai Baba lagu riday xerada ganaaxa.

Xulkaan Gambia ayaa daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta sii dheereeystay hogaanka ciyaarta, markii goolkii labaad uu dhaliyay Ciyaaryahan Boubacar Sosso.

Gambia ayaa inta aysan dhamaan qeybta hore ee ciyaarta goolka 3-aad ku dartay gool uu iska dhaliyay daafaca Soomaaliyeed ee Liibaan Kalief, kaasoo isna shabaqa ku hubsaday, Anas Ciise ayaa dib usoo nooleeyay rajadii Soomaaliya ee dib u soo laabashada kadib markii uu gool dhaliyay horaantii qeybta labaad.

Ciyaaryahan Drammeh ayaa markale dhaliyay seddexleydiisii ​​​​daqiiqadii 76aad, Waxaa Goolkii 5aad raaciyay Bisente Mendy oo bedel ku soo galay.

Natiijadu waxay sare u qaadday niyadda Xulka Gambia oo heshay saddex dhibcood, iyadoo soo noolaysay rajadeeda u soo bixitaanka wareegga xiga, ka hor kulanka ugu dambeeya ee Group-ka ay la ciyaari doonto Tunisia.

Xulka Soomaaliya oo la kulmay guuldaradii labaad oo xiriir ah ayaa wajihi doona xulka ugu cadcad Group-ka ee Senegal kulankooda ugu dambeeya ee Group-ka.