Hiiraan Online
4/25/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2025
Maamulka iyo Shacabka Degmada Xudur oo iskugu soo baxay Salaad Roob Doon
Sabti, April 5, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Boqolaal ka mid ah shacabka magaalada ay isugu soo baxeen Garoonka Kubadda Cagta lagu ciyaaro ee Dr Waaberi ee magaalada xuddur, iyagoo tukadey Salaad roob doon ah oo ay kala soo qayb galeen mas'uuliyiinta heer Gobol iyo mid degmo.
Gudoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Axmed Maxamed oo shacabka la hadlaayay ayaa sheegay inay alle baryadiisa badiyaan si degaanadooda culeeska uu kaga feedo.
Sidoo kale dadkii goobta shacabka kula hadlay waxaa kamid ah Guddoomiye ku xigeenka Amniga ee Gobolka iyo Siyaasadda iyo gudoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macalin Axmed oo dhammaantooda alle uga baryay Dadka Gobolka ku nool inuu naxariistiisa la soo gaaro.
Salaadaan roob-doonka ah ayaa ku soo aadeysa xilli deegaanka uu wajahayo Abaar daran, kuleeyl iyo Biyo la’aan saameyn ku yeelatay nolasha dadka iyo xoolaha.
Bilihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray deganaadaan abaar aad u adaran oo dadka qaarkiisa ku qasabtay inay usoo barakacaan magaalada Muqdisho halka kuwa kalana ay maciin bideen inay noloshoodi la raadsadaan meelo kale oo badbaado u ah naftoodi.