Sabti, April 5, 2025 (HOL) - Taliska Booliska Soomaaliya qeybta Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Degmada Xamar Wayne ay xireen Cabdi Raxmaan Suleymaan Jaamac, oo ah Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Shacabka.
Bayaanka Booliska ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Suleeymaan uu yahay qof Eedeysane ah kaas oo ku kacay falal liddi ku ah amniga Qaranka inkastoo aan lagu sii faah faahinin bayaanka nooca falalka ay Booliska sheegeen inuu Cabdiraxmaan ku kacay.
Waxaa ay sidoo kale ay sheegeen Booliska in Cabdiraxmaan Suleeymaan ay horgeeyn doonaan Maxkammada Awooda u leh inay qaado dacwadda loo haysto.
Markii gacanta lagu dhigayay Cabdiraxmaan waxaa gaariga la saarnaa xildhibaan Cabdikariin Deyr Cabdi oo kamid ah Xildhibaanada SSC Khaatumo ku matala Golaha Shacabka, waxaana uu warbaahinta u sheegay in markii la qabanayay Cabdiraxman ay kasoo baxeen Hotel Sanaag.
Waxa uu shaaca ka qaaday in 3 wiil oo ku socotay Mooto Fekon gadaalna uu ka joogay gaari Cabdi bille uu ku buufsanaa NISA ayna gaariga Cabdiraxmaan kala degeen muddo kadibna isagii lagu amray inuu gaariga ka gado waxaana loo kaxeeyay dhinaca Godka Jilicow.
Cabdiraxman Suleymaan oo ah Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Shacab ayaa dhowaan wareysi uu siiyay Shabeele Tv waxa uu si kulul u weeraray madaxda Dowladda uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
“Afgooye iyo Balcad meel ka sokeysa ayey DFS difaac uga jirtaa, Saadkii Ciidankana waa la xaraashtay, MW Xasan Sheekh waa fashilmay anagoo Xisbiyo dhowr ah ayaana Ingiriiska iyo Mareykanka ku dacweynay” ayuu ku yiri Wareysigaan uu siiyay Tv ga Shabeele.