Sabti, April 5, 2025 (HOL) - Xisbiyada Himilo Qaran iyo Wadajir oo ay kala hoggaamiyaan madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u cambaarayay xariga guddoomiyaha Xisbiga Shacabka Cabdiraxmaan Sulaymaan Jaamac oo dowladda Fedaraalka Xabsiga dhigtay.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa xariga ay u geysteen laamaha amaanka dowladda Fedaraalka gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Shacabka Cabdiraxmaan Saleymaan Jaamac ku tilmaamay mid sharci daro ah oo baal marsan sharuucda dalka.
"Falkaani oo u dhigma afduub siyaasadeed, wuxuu xisbiga Himilo Qaran u arkaa mid gebi ahaanba baalmarsan shuruucda iyo dastuurka dalka, wuxuuna sidoo kale xarigaani waji gabax ku yahay Xukuumadda Federaalka ah maadama ay madaxda dowladu caado ka dhigteen caburin joogta ah oo taabanaysa ururada siyaasadda iyo saxaafadda xorta ah" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka Himilo Qaran.
Xisbiga Wadajir ayaa dhankiisa Warsaxafadeed uu soo saaray ku sheegay xariga guddoomiye Cabdiraxmaan Suleymaan inuu xad gudub ku yahay xuquuqda iyo xorriyada uu leeyahay muwaadinka iyo mabaadi'da xoriyatul qawlka.
"Xariga guddoomiye Cabdiraxmaan wuxuu cadeyn u yahay dulqaad la'aanta Xukuumadda itaal yarida ay iskaga difaaci karto dhaliisha loo jeedinaayo cagajugleynta, caburinta iyo awood sheegadku waa itaalka fulayga aan awoodin aragti iyo dood isku difaaco"ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka Xisbiga Wadir.
Warsaxafadeedyada kasoo baxay labadaan Xisbi ayaa sidoo kale madaxda dowladda Federaalka ah waxa looga digay sii socoshada falalka nuucaan ah oo ku tilmaameen kuwa dhaawacaya karaamada muwaadinka, iyagoona ugu baaqay madaxda dowladda in si deg deg ah xoriyadiisa dib loogu soo celiyo Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.