4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2025
Tiro Hoobiyeyaal ah oo saakay lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho
 

Sabti, April 5, 2025 (HOL) - Tiro hoobiyeyaal ah ayaa saakay ku dhacay qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaasi oo geeystay khasaare hantiyadeed iyo dhaawacyo soo  gaaray dad shacab ah, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Illaa iyo Afar Madfac ayaa siyaabo kala duwan ugu dhacay xaafadaha ku yaala Degmooyinka Boondheere, iyo Warta nabadda oo waxyeelo gaarsiiyay dad rayid ah oo qaar kood ganacsanayay.

Madaafiicda mid ka mid ah ayaa waxa uu ku dhacay Tiyaatarka Qaranka, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah howldeennada Tiyaatarta oo magaciisa lagu soo gaabiyay Gurey.

Laba ruux oo Shacab ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay Hoobiye ku dhacay Barxadda Wartanabadda, Halka mid kale oo ku dhacay Boondheere la wariyay in uu ku dhacay Guri Dad Shacab ah ay deganyihiin.

Laamaha ammaanka ayaa xiray goobihii laga soo wariyay inay hoobiyeyaashani ku dhaceen inkastoo wali aysan faah faahino kabixin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iyo goobihii laga soo tuuray.

Wixii warar ah ee kusoo kordha gadaal ayaan idinka soo sheegi doonaa.