Hiiraan Online
4/25/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2025
Ku dhawaad 100 xubnood oo Al-shabaab looga dilay Howlgalo laga fuliyay gobolada Shabeellooyinka
Sabti, April 5, 2025 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu sheegay in labadii todobaad ee lasoo dhaafay howlgalo laga fuliyay gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose in lagu dilay in ka badan 80 xubnood oo ka tirsana Al-shabaab.
NISA ayaa sheegtay in ilaa lix howlgal oo ay ka fulisay labada gobol ee Shabeellooyinka iney ku dishay in ka badan 80 xubnood oo isugu jiro Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.
Howlgaladan ayaa sidoo kale NISA sheegtay iney ahayeen kuwa isugu jiray dagaalo toos ah duqeymo dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-shabaab.
Lixdaan howlgal ee NISA fulisay ayaa si xiriir ah u dhacay lixdii maalmood ee u dambeysay marka la reebo sadaxdii bishaan, waxaana howlgaladu ay ahayeen kuwa soo socday 29-kii bishii dhamaatay ee Marso ilaa maanta oo ay taariiqdu tahay 5-bisha April.
Labadii todobaad ee ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa ciidamada difaaca deegaanka ayaa si weyn u laba jibaartay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada labada gobol ee Shabeelaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka NISA oo dhameystiran:-